Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daahfuray waaxda tayo dhowrka badeecooyinka

Date:

Daahfurka waaxda taya dhowrka badeeyooyinka Puntland waxaa ka soo qayb galay Madaxwayen ku xigeenak Puntland Eng.C/xakiin C/llaahi  Cumar Camey,Guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Puntland Madaxda ugu saraysa wasaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland hay’adaha ka shaqeeya arrimaha tayada badeecooyinka ,Ganacsato iyo dhakhaatiir.

C/wali xir Cabdulle Indha guran wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadaani waxa uu si adag u balan qaaday hirgalka waaxdan taya dhowrka Puntland.

“Anagoo kaashanayna xubnaha halkaan idin horfadhiya waxaan balan qaadaynaa in badna waxaa lagu celceliyay in badan armay soconwaydaa,shaybaarkaan Hay’ad noo gadin anagaa gadanay oo waa mulkiyadayadii ,Shaqaale hay’adi nooma shaqaalaysiin oo waa shaqaalihii wasaaradaha Puntland, sidaa daraadeed hadday idin khayaamaan Puntland oo dhan bay khayaameen waana dad aan aqoontooda ku kasoonahay in badan .”Ayuu yiri wasiirka ganacsiga Puntland.

Aqoonyahanadii ka soo qayb galay furitaanka taya dhowrka Puntland waxay adkeeyeen wada sahqayn dhab ah si loogu guulaysto howshan tayo dhowrka badeecooyinka puntland.

Gabagabadiina Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu fariin adag u diray ganacsatada Puntland ee wax soo dajiya iyo kuwa dhoofiya intaba, kuna dhawaaqay maalinta hirgalka waaxdaani.

“Waxaan ogaysiinayaa ummada reer puntland gaar ahaan ganacsatada si loo helo cunto,daawo ,sharaab runtii nocuu doonaba ha ahaadee tayaysan oo hakii la doonayay ahaa waxaanu jecelnahay inaan maalin u astayno in qof kasta oo ganacsada ahi u diyaar garoobo wixii ka danbeeya maalinta bisha 9/15/2017 qof ganacsada ah oo wax aanu u haysanin shahaadadii tayo dhowrka Puntland waxna ma dhoofin karo waxna ma soo dajin karo .”sidaasi waxaa yiri Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiin C/llahi Cumar Camey.

2/8/2017 ayay ahayd markii madaxwayne Gaas Boosaaso ka furay dhismaha iyo qalabka tayao dhowrka Puntland kaasi oo Muddo badan qorshihiisu ahaa mid laga soo shaqaynayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...