Wasiir Cabdi Xoosh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Intii uu kulanka socday ayey laba dhinac isla soo qaadeen arrimo ay kamid ahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa safiiradda iyo masuuliyiintii kale ee la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isaga oo uga warbixiyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay.

“Aad ayaan ugu faraxasanahay inaan maanta idinku soo dhaweyno xarunta Wasaaradda oo ah mid qiima wayn ugu fadhisa dalka Soomaaliya, waxa aan halkan ka abaabulnay hawlo baaxad leh oo aan mudooyinkii dambe qabanay haba ugu horeeyaan kulamada wadatashiga ee aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada oo wadada u furaya Geedi-Socod dib u-eegis Dastuur oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay ” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca kale, Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay Wasaaradda shaqada ay wado, islamarkaan waxa ay u ballanqaaday wadashaqayn joogta.

Ugu dambayn, kulankan oo ahaa mid daba socday kulan bishii hore Wasiirka iyo Safiirada ay yeesheen ayaa waxa uu ku soo dhamaaday guul.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...