Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Date:

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa la kulmay Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Labada masโ€™uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa Xiriirkii wanaagsanaa iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua .

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jianย  ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen Labada wakaaladood isla markaana ay u dhex mari laheyd wax is dhaafsi, maadaama uu sheegay in Wakaalada SONNA ay tahay Heyโ€™ad muhiim ah oo dowli ah.

Sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan Hormarinta Wakaalada sida in Qalabyo kala duwan ay ku taageeraan, Tababaro la siiyo shaqaalaha iyo heshiis hore u dhex maray SONNA iyo Xinhua in la dhaqan geliyo.

Agaasimaha SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa kaga mahad celiyay Safiirka Shiinaha kulanka uu la qaatay iyo sida uu u soo dhaweeyay, wuxuuna guul ku tilmaamay Balanqaadyada uu u sameeyay Safiirka, isagoo dhankiisa balanqaaday inay wada shaqeyn dhow la yeelan doona Wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...