Jaamacadda Carabta oo qabanaysa shir dib-u-dhiska Soomaaliya ku saabsan

Date:

Ka dib markii maanta xafiiskiis uu ku qaabiley wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee xukuumadda Soomaaliya danjiraha Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayay kaga wada hadleen sidii Jaamacadda Carabta gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska hey’adda dowliga ah.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Xamuud Alxuweydi ayaa u sheegay wasiirka in jaamacadda carabta ay qorsheysay in sanadkaan ay qabato shir weyne looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya, sidaas awgeedna uu doonayo in wasaaradaha dowladda uu dhageysto baahiyaha ka jira si uu ugu gudbiyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta .

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yiriisow) wasiirka Warfaafinta ayaa u mahadceliyay danjiraha, isagoona sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in arimaha isla soo qaadeen ay kamid aheyd xoojinta wacyelinta dadka Soomaaliyeed iyo doorka Jaamacadda Carabta arintaas ka geysan karto.

“Waxaa ka wada hadlaynay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo isku xirka warbaahinta dalalka Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan ugu mahadcelinayaa safiirka iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta uu aad ugu adkeeyay in dib-u-dhiska Soomaaliya laga qeyb qaato, dhowaana shir caalamiga ah oo Jaamacadda Carabta u sameynayso dib-u-dhiska Soomaaliya oo safiirkana laga codsaday in ka wasaarad ahaan arimaha nooga aadan aan ka qaadano waxaana u sheegnay arimaha aan danaynayno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjiraha Jaamacadda Carabta, Xamuud Alxuweydi  ayaa uga mahad celiyay wasiirka kulanka uu la qaatay, waxaana uu xusay in fariinta dowladda Soomaaliya uu u gudbi doono xoghayaha guud ee Carabta.

Kulanka ka dib wefdiga danjiraha ayaa lagu soo wareejiyay studiyeyaasha Telefishanka, Radio Muqdisho iyo keydka hadalka ee faca weyn ee wasaaradda warfaafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...