Jaamacadda Carabta oo qabanaysa shir dib-u-dhiska Soomaaliya ku saabsan

Date:

Ka dib markii maanta xafiiskiis uu ku qaabiley wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee xukuumadda Soomaaliya danjiraha Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayay kaga wada hadleen sidii Jaamacadda Carabta gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska hey’adda dowliga ah.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Xamuud Alxuweydi ayaa u sheegay wasiirka in jaamacadda carabta ay qorsheysay in sanadkaan ay qabato shir weyne looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya, sidaas awgeedna uu doonayo in wasaaradaha dowladda uu dhageysto baahiyaha ka jira si uu ugu gudbiyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta .

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yiriisow) wasiirka Warfaafinta ayaa u mahadceliyay danjiraha, isagoona sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in arimaha isla soo qaadeen ay kamid aheyd xoojinta wacyelinta dadka Soomaaliyeed iyo doorka Jaamacadda Carabta arintaas ka geysan karto.

“Waxaa ka wada hadlaynay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo isku xirka warbaahinta dalalka Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan ugu mahadcelinayaa safiirka iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta uu aad ugu adkeeyay in dib-u-dhiska Soomaaliya laga qeyb qaato, dhowaana shir caalamiga ah oo Jaamacadda Carabta u sameynayso dib-u-dhiska Soomaaliya oo safiirkana laga codsaday in ka wasaarad ahaan arimaha nooga aadan aan ka qaadano waxaana u sheegnay arimaha aan danaynayno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjiraha Jaamacadda Carabta, Xamuud Alxuweydi  ayaa uga mahad celiyay wasiirka kulanka uu la qaatay, waxaana uu xusay in fariinta dowladda Soomaaliya uu u gudbi doono xoghayaha guud ee Carabta.

Kulanka ka dib wefdiga danjiraha ayaa lagu soo wareejiyay studiyeyaasha Telefishanka, Radio Muqdisho iyo keydka hadalka ee faca weyn ee wasaaradda warfaafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...