R/W ku xigeenka Soomaaliya “Barnaamijkan Isla xisaabtanka furan waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed”

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayay barnaamij loogu magacdaray hab xisaabeedka Cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda Hoose ee Xamar.

Waxaa ka soo qayb galay Safiiro, xubno ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti dhowraha guud, ku xigeenka madaxa Bankiga dhaxe iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, waxaana si wayn looga dooday faa’iidooyinka laga dhaxli karo in bulshada loo soo bandhigo waxqabadka Dawladda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo si wayn u amaanay madaxdii soo qaban qaabisay kulan ka isla xisaabtanka furan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay ka qaybgalka barnaamijkan kaa soo lagu soo bandhigayay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo, si shacabka loogu sheego adeegyada loogu qabto miisaaniyad lacageedka gobolka Banaadir. Wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid ku dayasho mudan.

“Barnaamij kan wuxuu ka turjumayaa in bulshada gobolka Banaadir loo cadeeyo dakhliga soo gala maamulka, sidoo kalena waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho” ayuu yiri ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khadar ayaa iftiimayay in dawladdu ay diyaar u tahay in ay shacabku la xisaabtamaaan si loo yareeyo musuq maasuqa, sidoo kale waxuu tilmaamay in xukuumadu ay dardargalinayso sharuuc dhowr ah kuwaa soo ka qayb qaadanaya dib u soo celinta hanaankii dawladnimo oo ay ka mid ahaayeen in la maxkamadeeyo mas’uulkii lunsada hanti Qaran.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedka kulan kan uu yahay sidii loo bari lahaa shacabka Muqdisho in ay ogaadeen dakhliga soo gala gobolka iyo goobaha lagu kharash gareeyo, uguna kalsoonaadaan dawladooda, ka dibna ay uga qayb qaataan shaqada qaranka. Ganacsatada iyo bulshada kalana ay u bixiso canshuurta ku waajibtay iyagoo dareensan waxyaabaha loogu qabanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...