Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka. Sharcigan ayaa loo gudbiyay baarlamaanka billowgii bishii Luulyo ee la soo dhaafay ka dib markii wada-tashiyo lala yeeshay dhinacyada ku shaqada leh isgaarsiinta.

Xeerka isgaarsiinta wuxuu ku baaqayaa in la dhiso Hay’ad sharciyo u sameysa isgaarsiinta, horumarinta isgaarsiinta dalka, ilaalinta xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha, iyo sidii bulshadu uga qeyb qaadan lahayd horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka.

Qabyo-qoraalka xeerkan waxaa la billaabay sanadkii 2005-tii, wuxuuna horyaallay baarlamaannadii 7aad, 8aad iyo 9aad. Hase yeeshee, dadaallo aan kala go’ lahayn oo habeen iyo maalin socday oo ay bixiyeen wasiirka, wasiiru-dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka iyo istaraatiijiyada oo la beddelay, waxaa lagu guuleystay in sharcigan uu noqdo kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Baarlamaanka 10aad.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, oo soo gabagabeynayay doodda xildhibaannada ayaa sheegay in sharcigan uu muddo horyaallay 3 baarlamaan illaa 2005tii, iyadoo isgaarsiinta iyo teknooljiyada caalamka ay isbeddeleysay. Wasiirka wuxuu u mahadceliyay xildhibaannada Soomaaliyeed ee ansixiyay sharcigan.

“Waxaan dareensannahay saameynta ballaaran ee ay isgaarsiintu ku leedahay dhaqaalaha iyo bulshadaba. Sharcigan wuxuu guul weyn u yahay isgaarsiinta iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanba. Marar badan baa la isku dayay, laakiin laguma guuleysan. Guusha maanta waxay ku suurtogashay dadaal aan kala go’ lahayn oo madaxda Wasaaradda ku bixisay sharcigan 4tii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Shaqada rasmiga ah hadda ayay billaabaneysaa. Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaannadaba u xaqiijiyo in mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay naga go’an tahay in sida sharcigan dhigayo in hantida qaran ee 252 iyo dotSO ay ka faa’iideystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasna kama galeyno gorgortan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...