Wasiir Eng, Yariisow “Xukuumadda Soomaaliya waa ay dhiiri gelineysaa dadka leh hal abuurka”

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarriisow) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri gelineyso dadka hal abuurka leh ee doonaya inay dalkooda wax cusub ku soo kordhiyaan.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 11 guurada ka soo wareegtay marka la aas aasay shirkadda SOCTEC oo qaabilsan bixinta adeegyada Teknoloojiyada casriga ah ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed looga baahanyahay inay noqdaan kuwa hal abuur leh oo dalka wax ku soo kordhiya.

Eng Yarriisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee leh hal abuurka inay ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda, oo ay noqdaan kuwa banaanka soo dhiga hal abuurkooda, si ay uga faa’iideystaan dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...