Wasiir Eng, Yariisow “Xukuumadda Soomaaliya waa ay dhiiri gelineysaa dadka leh hal abuurka”

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarriisow) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri gelineyso dadka hal abuurka leh ee doonaya inay dalkooda wax cusub ku soo kordhiyaan.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 11 guurada ka soo wareegtay marka la aas aasay shirkadda SOCTEC oo qaabilsan bixinta adeegyada Teknoloojiyada casriga ah ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed looga baahanyahay inay noqdaan kuwa hal abuur leh oo dalka wax ku soo kordhiya.

Eng Yarriisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee leh hal abuurka inay ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda, oo ay noqdaan kuwa banaanka soo dhiga hal abuurkooda, si ay uga faa’iideystaan dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...