Wasiirka Cadaaladda XFS iyoTaliyaha Ciidanka Asluubta kormeer shaqo ku tegay Taliska Asluubta km7

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay kormeer ku tageen Xarunta Ciidanka Asluubta ee km7 halkaas oo uu ka socdo dhismo dib u dhis loogu sameynayo Xarunta Taliska ee Ciidanka Asluubta, iyadoo sidoo kalena uu ka socdo dhismaha Xabsi weyn kaas oo ka agdhow Xarunta.

Taliyaha Ciidanka asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in Bisha soo socota  ay soo gabo gabeynayaan dhismaha Xarunta Ciidanka Asluubta taas oo dhawaanahaanba dayactir uu ka socday.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa isna dhankiisa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in inta badan xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Asluubta ay yihiin kuwo dib u bilaabaya Shaqooyinkii ay xili hore qaban jireen.

Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho waxaa hadda ka socdo dib u dayactir waxaana sidoo kale jira in dhawaanahanba ay wadeen Saraakiisha Asluubta sidii dib loogu howl galin lahaa Xarumihii waaweynaa ee Taliska Asluubta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...