Shirka Wadatashiga Duulista hawada oo ka furmay Muqdisho

Date:

Shirka Wadatashiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa daah furay, iyadoo shirka ay ka qeyb galeen Xubno ka socda Maamul Goboleedyada, Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan Duulista Hawada, Wakiilo ka kala socda shirkadaha FAVORI, Bankirafti iyo kuwa kale.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay tahay sidii loo sameyn lahaa sharciyo mideysan oo uu dalku yeesho, sida mideynta leysamada dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in soo celinta Maamulka Hawada Dalka ay gebogebo ku dhawdahay, isla markaana qalabkii lagu hagi lahaa la rakibayo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan la soo xiri doono xafiiska Nairobi ee Hawada Soomaaliya laga maamuli jiray laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana ka qeyb galaayasha la tusi doonaa maalinta beri ah xarunta loo diyaariyay in laga maamulo hawada Soomaaliya, waxaana meel gabo gebo ah maraya qalabeynta xaruntasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad...

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen...

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...