Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray South Africa

Date:

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa soo gaaray dalka South Africa halkaa oo uu kaga qeybgali doono shirka Gudoomiyaasha Barlamaanada Afrika oo sanadkiiba mar la qabto kaa o lagu qabanayo xarunta barlamaanka Africa.
Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Johannesburg kusoo dhaweeyay madaxda Safaarada Soomaaliyeed ee ku leedahay dalka South Africa oo uu ugu horeeyo Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo madax ka socotay Barlamaanka Africa.
Soo dhaweynta kadib ayuu Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan jawaari ayuu warbaahinta Qaranka kula hadlay qeybta so dhaweynta madaxda ee garoonka diyaaradaha magaalada Johannesburg waxaana uu ka warbixiyay socdaalkiiisa  uu ku yimid dalkaan South Africa.
” Waxaan South Africa u soo gaarnay inaan kaga qeybgalno Shirka Barlamanada Afrika oo ka furmayo Johannseburg,waxaana loogu hadlayaa arimo badan oo khuseeya Qaarada gaar ahaan arimaha dhalinyarada iyo horumarinta Qaarada waxaan sidoo kale rabnaa inaan la kulano Jaaliyadda Soomaalida ee Dalkan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.
Waxaa gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari sheegay mudada uu joogo Dalkaan South Africa in uu kulan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee ku nool dalka South Africa una kuur gali doonaan xaalada nolosha iyo ganacsiga isla markaana talo iyo fakar is waydaarsi uu la sameyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...