Guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee Baarlamaanka oo Shirkoodii ugu horeeyey Yeeshay

Date:

Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare.

Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas oo noqonaya midka hagi doona wada shaqeynta goleyaasha iyo guddiyada joogtada ah.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo kulankii ugu horreeyey ee guddigada joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Soomaaliya soo xiray ayaa sheegay in la joogteyn doono kulammada guddiyada joogtada labada aqal, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dardargelin doono helitaanka hab cusub oo ay ku wada shaqeeyaan labada dhinac.

Kulankaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee guddigada joogyada labada aqal ee Barlamaanaka Federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata goleyaasha wadaan qorshe ku aaddan sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn oo ku saleysan sharciyad si howlaha adag ee guud ahaan horyaalla Barlamaanka Soomaaliya loo hirgeliyo.

        

Sawir Qaade:- Maxamed Nuur Maxamed (Shariifka)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...