Wasiirka Tacliinta Sare oo booqasho ku tagay qaar ka mid ah Jaamacahada ugu waa wayn Dalka Suudaan

Date:

Wafdi uu hogaaminyo Wasiirka Waxbarashada  Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan  ayaa Booqday  Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Dalka Suudaan isagoo la saxiixday Heshiis dhanka deeqaha Waxbarashada ah.

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdi Daahir  Cusmaanoo Maalintii labaad howlo Shaqo u jooga Khartuum ayaa booqday laba kamid ah Jaamacadaha ugu waaween ee Dalka Suudan isagoo Booqashadiisa ku bilaabay Jaamacada Axfaad oo ah Jaamacd ay dhigtaan Dumar kaliya wuxuuna Wasiirka halkaasi kula kulmay Gudoomiyaha Jaamcadaasi  Qaasim Badri wuxuuna ka dhageestay Warbixin kooban oo quseeya gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacdaasi.

Gudoomiyaha Jamacadaasi Qaasim Badri  oo warbixin siinayay Wasiirka ayaa cadeeyay  in Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin kuwo firfircoon dadaal badan kana soo baxa dhamaan shuruudaha u dagsan Jaamacadda.

Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa isna ka mahadceliyay  Warbixinta  Gudoomiyaha Jamacada Axfaad uu siiyay  isagoo tibaaxay in Suudaan kaalin weyn ka qaadatay Jaamacadaheed soo saarista hogaan tayo leh oo doorkoodu ka muuqdo Wadanka Soomaaliya sharafna u tahay Jaamacada Axfaad in ay soo saartay mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed oo xiligan ah Gudoomiye Bankiga.

Dhanka kale Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Jaamacada Zaciimal  Al-azharri kuna qaabilay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacadasi  isagoo madaxda Jaamacada qado sharafeed halkaasi kula qaatay wuxuuna kala hadlay Gudoomiyaha Jaamacadaasi in ay laba jibaaraan deeqaha Waxbarashada oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Maalinta Berita ah ayaa lagu wadaa in Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan uu soo gabagabeeyo booqasho qaadatay mudo Sadax Maalmood ku joogay Magaalada Khartuum ee xaruunta Dalka Suudaan isagoo heshiisyo dhanka Deeqaha Waxbarashadana la Saxiixday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Suudaan iyo Qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waaween ee ka dhisan Khartuum, Ardayda Soomaaliyeedna ay wax ka Bartaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...