Muwaadiniin Soomaali ah oo ku dhintay dab la qabad siiyay goobtooda ganacsi oo lagu aasay K/Afrika

Date:

Falkaan lagu gubay Goobaha ganacsiga oo ay ku dhinteen Alle u naxariiste Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Ceymooy  ayaa waxaa uu dhacay habeenkii Isniinta oo taariikh-da ku beegneyd 31-ka bishii ina dhaaftay ee July, waxaana loo adeegsaday dhalooyin lagu shubo basiinka ee loo yaqaano “Padrol bamb”

“sida laga helay muuqaalka camero ku xerneyd goobta booliskuna uu inoo sheegay waxaa weerarkaan loo adeegsaday dhalooyin nafto ama baziin lagu soo shubay kadibna taraq lagu daaray oo goobta ganacsiga la dhax galiyay, lama oga cidda ka dambeysay lakiin weli waxaa socda baritaano ay ciidamada booliska wadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/laahi oo warhaainta qaranka la hadlay .

Labada marxuum iyo labo kale oo falkaasi ka badbaaday ayaa jiifay guri ku dhagan goobtooda ganacsiga, waxaana marka ay kusoo kaceen dabkaasi ay isku dayeen in ay badbaadiyaan dukaanka balse ay suura gali waysay sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Suudi Cali Axmed oo adeer u ahaa midka mid ah muwaadiniinta geeriyootay.

“Wiilkaan ayaa gudaha soo galay si uu u damiyo dabka marka uu gudaha soo galay saddex mar ayuu dhahay, i badbaadiya marka wiilkaan kale ayaa kasoo dabagalay kadiba labadooda meeshaas ayaa nafta uga baxday”

Alle ha u naxariiste Cali Maxamuud Cali waxaa uu ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ugu waa weyn gobolka Limpopo, isla markaana ku leh gobolkaasi hanti ma guurto ah, marka laga soo tego waxaa jira qasaare xooggan oo gaaray goobta ganacsiga oo dhamaanba burburtay.

“Dukaanka waxaa uu ahaa mid dhowr nooc isugu jira qeybo kala duwan u kala shaqeeya ninka ku dhintay meeshaan Cali Maxamuud waxaa uu ahaa ninka iska leh hantidaas oo dhan xitaa dhismaha iyo dhulka intaba” ayuu Warbaahinta Qaranka u sheegay Cabdulaahi Wehliye oo ka mid ah ehalada marxuumka.

Soomaali kala duwan ayaa isaga kala yimid guud ahaan gobolada dalka Koofur Africa, kuwaa oo ka tiiraayeysanaa falkaan arxan darada ah ee naxdinta leh oo lagu gubay muwaadiniintaan Soomaaliyeed, waxaana aas wadareed loogu sameeyay magaalada uu falka ka dhacay.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo odoyaaasha dhaqanka oo goobta kula hadlay Warbaahinta Qaranka waxa ay tacsi u direen ehalada marxuumiinta geeriyooday, iyaga oo ka codsaday dowladda Soomaaliya in il gaar ah ay usoo yeelato Soomaalida ku nool koofur Africa ee sida xaqdarada ah loogu gumaadayo.

Madaxda Jaaliyadfa iyo waxgaradka Soomaalida ee aaska ka qeybgalay ayaa si wadajir ah bulshada ugu wada baaqay in meel looga soo wada jeesto falalka noocaani ah, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa dadkii dambeeyay falkaan arxan darada ah.

 

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...