Shirka looga hadlayo sida looga taxadari karo go’itaanka internetna oo la qabtay

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimo ku saabsan go’itaankii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee laga qaadi karo.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha mideeya jaamacadaha dalka iyo Jaamacadda Ummadda, ayaa waxaa looga hadlayay saameyntii uu yeeshay go’itaankii internetka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa diyaar-garowga shirkadaha, iskaashiga shirkadaha dhexdooda iyo Wasaaradda ee xaaladahaas oo kale, daryeelka macaamiisha iyo qodobo kale oo la xiriira horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka.

Mudane Maxamed Axmed Jaamac Maamulaha Shirkadda Dalkom Somalia ayaa faahfaahin dhinaca farsamada ah ka bixiyey qaabka uu u dhacay shilka iyo casharada ay ka barteen, isaga oo xusey diyaar-garowga shirkadda Dalkom ay uga gaashaamaneyso in aysan soo noqonin dhibaatadii ku dhacday adeegga internet-ka ee ay bixiyaan, isagoo ballanqaaday inay hay’adaha kala duwan ee dawladda la kaashan doonaan sidii arrimahaas looga taxadari lahaa.

Xildhibaan Khalid Macow Cabdulqaadir Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-galinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay dhamaan ka soo qeybgalayaasha in dalka baahi weyn u qabo in la helo adeeg isgaarsiin oo tayo leh , isaga oo xusey in xeerka isgaarsiinta uu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka ayna hadda gacanta ku haayaan Guddiga.
Mas’uuliyiinta ka socotay shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka waxa ay isku raaceen baahida loo qabo in la ballaariyo diyaar-garowga shirkadaha maadaama ay sii kordhayaan sida dhaqaalaha, waxbarashada iyo adeegyada ay bixiso dawladda ay ugu sii tiirsanaanayaan khadka internetka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo madasha ka hadlay ayaa u sheegay shirkadaha in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay ku caawiso sidii ay u tayeyn lahaayeen adeeggooda, balse dhinaca kale ay u diyaar garoobaan in lagula xisaabtami doono wixii gaabis ah oo dhinacooda ay sabab u noqdaan.

‘Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee hor yaalla Golaha Shacabka waxaa loogu talo galay inuu difaaco xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha intaba waxa uuna muhiim u yahay horumarinta Isgaarsiinta dalka, haddii sharcigaas uu meel marana waxaa billaaban doona isla-xisaabtan iyo horumarin’ ayuu yiri wasiirka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...