Ehelada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Hindiya Laga Soo Celinayo Oo Soo Dhaweeyey Tallaabada Dowladdu Qaaday

Date:

Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista Soomaaliyeed ee in mudo ah ku xernaa dalka Hindiya oo siyaabo kala gedisan ula soo xiriiray Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bogaadiyey tallaabada at Dowladda Federaalka Soomaaliya heshiiska kula gashay dalka Hindiya kaasi oo dhigaya in dowladdu lasoo wareegto maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xeran.

Sahra Maxamuud Maxamed oo seeygeeda uu ka mid yahay maxaabiistaasi ayaa Radio Muqdisho ku tiri “waxaan u mahad celinayaa dowladdeena Soomaaliyeed , caawa aad ayaan u faraxsannahay waxeey dowladdu qabatay shaqo weyn, aniga waxaa iiga Jira maxaabiista odaygeeyga carruurteeyda aabahood oo 7sano iyo bar naga xiran, manta waxaan aad ugu faraxsannahay in Dalkiisa la keeno oo aan xabisiga ku booqan karno”.

C/risaaq Muuse oo isna uu walaalkiis ka mid yahay maxaabiistaasi waxa uu Radio Muqdisho u sheegay “waxaan idiinla soo xiriiray inaan dowladda Soomaaliyeed mahad celin u jeediyo, ma qiyaasi karo dareenkeenna aniga iyo dadka Soomaaliyeed aadbaan ugu mahad celineynaa dowladda Soomaaliya tallaabadan iyo tallaabadii ka horeysay ee maxaabiista looga soo celiyey dalka Ethiopia hadana waxaan ku faraxsannahay in maxaabiistan uu walaalkeey ku jiro loosoo celiyo dalkooda oo lagu xiro waxeyna noola mid tahay ayaga oo gurigooda lagu dhex xeray”.

Sidoo kale Nadiifo Tahliil Xirsi oo Iyana ka mid ah ehelada maxaabiistaasi at dowladda Soomaaliya kala wareegeyso dalka Hindiya ayaa Radio Muqdisho u sheegtay “waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay oo aniga carruurteeda ,ehelkeey iyo deriska aan u damaashaadeeynaa heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay India aad ayaan u soo dhaweyneynaa, wax weyn ayey dowladdu qabatay waxaan leeyahay kor Alle haka dhigo”.

 Dhowaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sidaan oo kale ugu guuleysatay iney dalka Ethiopia kala soo wareegto in ka badan 100 maxaabiis ah kuwaasi oo sanado badan ku xernaa dalkaasi waxaana tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladdu ugu jirto wax u qabashada muwaadiniintiisa caalamka ku kala dhibaateeysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....