Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Puntland Ugu Hambalyeeyey 19 Sano Guurrada Aas Aaskooda

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray Hambalyo shacabka iyo dowladda Puntland isaga oo ugu hambalyeeyey sanad guurrada 19aad ee kasoo wareegatay markii Puntland la aas aasay.

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan Hambalyo leeyahay Shacabka iyo dowladda Puntland oo aan ugu hambalyeynayo 19sano guurrada aas aaskooda, waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiye Jawaari.

“marka hore Hambalyo sanad guurrada aas aaskiina , marka labaadna waxaan idiinkugu hambalyeynayaa hormarka,nabadda iyo dimuqraadiyadda aad ku tallaabsateen mudada 19ka sano ah, waxaad tusaale u tihiin Soomaaliya oo dhan, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa idiinkaga baryayaa in uu idiin siyaadiyo hormarkaas aad ku tallaabsateen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Puntland ee Soomaaliya nabad, hormar iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...