Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka

Date:

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa hirgeliyay xafiis qaadaya cabashada dadka dhulalka isku heysta.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay xafiiska cusub ee laga hirgeliyay Muqdisho.

“Xafiiskan waxa uu ka shaqeynayaa cabashooyinka dadka tabanaya dhanka dhulalka, waxaana uu isku xirayaa Madaxda gobolka iyo dadka cabashada qaba, waana xafiis u fududeynaya in dadka cabanaya ay si fudud ku helaan Madaxda gobolka, si loo dhageysto cabashadooda ee dhanka dhulalka la isku heysto”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Howlaha Guud.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir ayaa sheegay in xafiiskan cusub ay ka howlgalaan dad aqoon u leh dhanka dhulalka, isla markaana horey uga soo shaqeeyay dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu intaa ku daray in howlwadeenada xafiiska ay fududeynayaan dadka in ay u soo gudbiyaan madaxda ay quseyso.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in xafiiskan uu yahay mid cusub, bulshaduna ay ku qanci doonto howlwadeenada arrintaasi loo xilsaaray, maadaama lagu kala ogaanayo dadka saxda ah ee dhulka iska leh iyo kuwa kale ee ka been sheegta waxa aysan lahayn.

“Dadka xafiiskan ka howlgalla go’aan ma lahan oo ay ka gaarayaan cabashada ay dadku qabaan, balse ujeedka loo aas aasay waxa ay tahay inay qoraan oo ay noo soo gudbiyaan xogta cabashadooda” ayuu yiri Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...