Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in lagu guuleystay ladagaalanka Musuqa

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladad Soomaaliay ay ku guuleysatay ladagaalanka Musuqa.

“Sida aad la socotaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu hirgeliyay tiirarkii muhiimka u ahaa Dowladda kuwaasi oo horey uu u balanqaaday Madaxweynaha JFS, Waxaa lagu guuleystay in wax badan laga qabto ladagaalanka Musuqa, qofkii qalin wax ku dhacana sharciga ayaa la horkeenaya”,Ayuu Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa  Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan Canshuurta maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka soo baxday dowrkeedii ahaa ladagaalanka Musuqa, taasi oo keeneysa in lacagaha laga qaado bulshada loogu adeego Dalka iyo Dadkaba.

Mudadii ay jirtay Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Max’ed C/laahi Farmaajo waxaa la dareemayaya horumaro balaaran oo isugu jira dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Musuqa iyo xiriirka dhinaca diblomaasiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...