Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda  kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.

Kulanka oo ka soconaya Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Baashi C/llahi Cabdi wariyaha Warbaahinta Qaranaka u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya uu soo sheegayo in uu kulanku yahay mid looga Arinsanaayo Amaanka Dalka.

Ujeedad kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaan Caasimadda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Laamaha Amaanka Dalka ayaa dadaal  xoogan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen Nabad galyada Dalka loona Cirib tiri lahaa haraadiga maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...