Ra’iisal wasaare Khayre: Shacabka Soomaaliyeed meel ha uga soo wada jeestaan fililada argagixisada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii kooxada nabad diidka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

W/Q Cali C/qaadir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...