Ra’iisal wasaare Khayre: Shacabka Soomaaliyeed meel ha uga soo wada jeestaan fililada argagixisada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii kooxada nabad diidka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

W/Q Cali C/qaadir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...