Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Kulan Kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hay’adda SSF Ee Bariga iyo Bartamaha Africa

Date:

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  ku qaabilay Madaxtooyada Garoowe  wafdi uu hogaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda SSF ee Bariga iyo bartaha Qaaradda Africa Mr. Gareth O’ Hagan.

Kulanka  ayaa waxaa Cabdiweli Maxamed Cal  ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xidhiidha mashaariida horumarineed ee ay hay’addu ka fuliyaan  guud ahaan degaanadda Puntland.

C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland  ayaa ugu horayn Xafiiskiisa kusoo dhoweeyey waftigani, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey hawl-wadeenada hay’addani mashariicaha wax tarka leh ee ay ka hirgeliyaan Puntland ha ahaadeen kuwo hore loo qabtay iyo kuwo hadda socdaba ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay in ay mashaariicdaasi ka mid yihiin qoddaalka Ceel -Biyoodyo (Riiggag), samaynta jidad laamiya iyo taakulayn dhanka Ciidamadda Booliska Puntland oo ay ka caawiyaan dhinacyo baddan, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey dhammaan shaqaalaha hay’adda inay dar-dargeliyaan mashaariicdasi, isla markaana ay ku didaalaan sidii ay u qabsoomi-lahaayeen una hirgeli lahaayeen.

Dhanaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa shaqaalaha hay’adda SSF uga warbixiyey muhiimadda ay leeyihiin mashaariicdaasi ay ka fuliyaan Puntland, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenku inay salka ku hayaan dhammaan mashaariicdaasi kuwo horumarineed oo saamayn togan ku yeelan kara  arrimaha bulshada.

Sidoo kale  Camey ayaa ku booriyey shaqaalaha hay’addani inay dar-dar geliyaan shaqooyinka loo igmaday inay fuliyaan, isla markaana ay isku taxalujiyaan siidii ay u qabsoomi lahaayeen mashaariicdaasi, sida qorshuhu yahay ka sokow Amar Alle ‘’SWC’’.

Ugu danbayntii, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in la ilaaliyo Xasiloonidda, Nidaamka iyo kala danbaynta, isla markaana laga wadda shaqeeyo wax kasta oo wax tar u leh horumarka shacabka iyo Maamulka Puntlandba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...