Waxaa dhallinyaro soomaaliyeed oo ku nool degmada wadajir u suuro gashay inay kubad la dheelaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda waxaana ka mid ahaa Raβiisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya , Raβiisul-wasare ku xigeenka Dalka, xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyadoo si aaan caadi hayn kubada ay isugu dhiib dhiibayeen Raβisulwasaaraha iyo dhalinyarada uu la ciyaarayey.
Intaas ka dib ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku da daali doonto hir-galinta Garoomo lagu ciyaaro kubada cagta si loo helo ciyaar yahano Dalku yeelo kuwaas oo mustaqbalka u dheeli doona Qaranka Soomaaliyeed.
βAad ayey inoo farxad galinaysaa inaan la kulano dhallinyaro u heelan hormarinta isboortiga iyo ka shaqaynta is dhex galka bulshada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida ay ogo βan tahay Β hirgalinta hamiga dhalinyarada.
Qaar ka mid ah dhallinyaradii uu la dheelay ku badda cagta Ra,isulwasaaraha ayaa dhankooda Β sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin isdhex galka iyo dhiiro galinta Β Ra’isul wasaaraha iyo madaxda la socotaay u sameeyeen dhallinyarada.
