Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oola kulmay Wasiirka Xajka Sacuudi”

Date:

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali iyo wafdi uu hogaaminayay uu kamid yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis ayaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga aan walaalaha nahay Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir.

Inta ay labada wasiir wada joogeen waxey ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xajka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga, manta oo ah khamiis.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu ku nuux nuuxsaday sida Xukuumadda Boqorka Sacuudiga ay ugu dadaasho xujeyda iyo adeegyada lasiiyo, si loo fududeeyo arrimaha Xajka xujeyda na ugu gutaan Cibaadadooda sida ugu raaxada badan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh, Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.

labada wasiir waxay isla qaateen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xujeyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.

Labada wasiir waxey ku ballamen in lasiiyo xujeyda Soomaalida mudnaan gaar ah, si xujeyda Soomaalida ugu gutaan Xajkooda si nabad ah oo wanaagsan, Wasaaradda xajka na waxey ballanqaaday in ay u fududeyn doonto xujeyda adeegyada ay u baahanyihiin.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu guddoonsiiyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hadiyad qaali ah sida ka muuqataba Sawirada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...