Xildhibaan Shaacir oo deeq Lacageed gaarsiiyay Dad ku soo dhaawacmay Duqayn ka dhacday J/Hoose

Date:

Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta deeq Lacageed gaarsiiyay Bukaano ku jira Isbitalka Rajab Dayib Ordogaan kuwaas oo ku soo waxyeeloobay Duqayn ka dhacday Deegaanka Qabri Shariif oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

C/laahi Maxamed Aadan Shaacira ayaa sheegay in deeqdaan Lacageed ay ka timid R/wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu wakiil kaga yahay inuu gaarsiiyo Bukaanadaan.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan Bukaano kale oo lagu dabiibayo isbitaalada ku yaala Magaalada Kismaayo kuwaas oo iyana ku soo waxyeeloobay Duqaynta, wuxuuna tilmaamay iyagana in la gaarsiin doono Lacago.

Ugu Danbayntii Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Madaxda dowladda oo uu sheegay inay ka war haayaan dadkaan dhibka uu soo gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...