Ra’iisul Wasaaraha oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Dr. Maxamed Cali Guyo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey. Sidoo kale Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD.

Danjiraha Cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana cadeeyey sida ay uga go’antahay in Xukuumadda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ugu hambalyeeyey danjire Dr. Maxamed Cali Guyo xilkan cusub, wuxuu cadeeyey in dawladda Soomaaliya iyo IGAD ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta qotada dheer ee ka dhaxeysa labada dhinac, isla markaana aragtida waqtiga fog iyo kan dhow ee dawladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...