Ciidamada Amaanka oo saaka fashiliyey Qarax Miino

Date:

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa  saaka waxaa ay fashiliyeen Qarax miino oo ay maleeshiyaadka Al shabaab ku aaseen wadada Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa minada dhulka lagu aaso ayaa Ciidamadu ku guulaysteen inay ka saaraan wadada  ka dib markii dadka deegaanku ay kusoo wargaliyeen   iyadoo aan wax khasaaro ah gaysan.

Sakiriye C/laahi Cilmi oo ah gudoomiye waaxeed ka tirsan Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir  oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa tilmaamay inay Ciidamadu gacanta ku guuleesteen in ay  miinada ka saaraan halkii lagu aasay isagoona sheegay inay Ciidamada aamnku  furfureen miinada.

Ciidamada amaanka ayaa wada  dadaalo ay kaga hortagayaan dhagarta ay maleegayaan  malayshiyaadka Alshabaab waxaana ay bishaan gudaheeda fashiliyeen qaraxyo badan oo lagu dhibaateyn rabay Shacabka Soomaaliyed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...