Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Maxaabiistii laga soo daayey Xabsiyada dalka Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku farax sanyahay dhalinyaradan Soomaaliyeed uu arko wajiyadooda si uu ula qeyb-sado farxadda ay dareemayaan, maadaama ay dib ula midoobayaan ehelkii iyo dadkoodii, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhalinayaro kale oo ku dhibaataysan dunida oo dhan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo xor ah.

Mudane Khayre oo ay ka muuqatay sida uu uga murugsan yahay in dhalinyarda oo ah mustaqbalkii dalkeena ay ku jiraan xabsiyo ayaa tilmaamay in ayan jirin wax ka wanaagsan qaranimo, waxuuna yiri:

“Waxaan ka xumahay dhibaatada soo gaartay dhalinayarada Soomaaliyeed kadib dawlad burburkii Soomaaliya, taa oo keentay in dhalinyaradeenu ay u kala hayaanto wadamo shisheeye oo ay ku qabaan dhibaato, qaar-koodna ay ku jiraan xabsiyada adduunka oo cidina aysan ku ogayn, balse dawladda Soomaaliya ka shaqayn doonto sidii ay dhalinyaradaas dib ugu heli lahaayeen mustaqbalkii ka lumay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aysan gacanta ku hayn wixii ay xaq u lahaayeen dhalinyarada, balse ay ka shaqayn doonaan arrintaas si loo hagaajiyo mustaqbalka dalka maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Maxaabiista oo shucuurtooda ka hadlay ayaa muujiyey dareen wadaniyad iyo dal jaceyl ah, waxayna qireen in Soomaalidu ay danteeda ku gaari karto wadajir iyo midnimo. Waxayna codsadeen in loo sameeyo fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo, maadaama ay qaar kood yihiin dhalinyaro waxbaratay oo aqoon leh si ay dalkooda ugu faa’iideeyaan cilmigooda. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar kamid ah ehellada dadka la soo daayey, waxayna mahadcelin u jeediyeen dawladooda iyo cid walba oo gacan ka geysatay soo daynta dadkooda.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...