Wadooyinka galo Magaalada Xudur oo laga sifeeyey Kooxda Al-shabaab

Date:

Howgal ay sameeyeen ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya iyo ciidamadda gaarka ah ee maamulka koofur Galbeed ayey ku guuleysteen in ay kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab ka sifeeyaan wadooyinka Galo Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

In ka badan 20 gaari oo Xamuul ah oo u raran ganacsatada Magaalaa Xudur ee Gobolka Bakool ayaa durbaba soo gaaray magaalada ayagoo si nabad ah kusoo maray wadooyinka soo galo magaalada oo ay horay ugu qabeen dhib aad u farabadan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab oo caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadada u geli jireen ganacsatada iyo bulshada kale ee  isticmaalo Wadooyinka ay ciidamada Dowladda Howlgaladda ka sameeyeen.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur ayaa si weyn usoo dhaweeyey howgalka ay ciidamada Dowladda Sameeyeen ayagoo muujiyey rajo wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...