Wadooyinka galo Magaalada Xudur oo laga sifeeyey Kooxda Al-shabaab

Date:

Howgal ay sameeyeen ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya iyo ciidamadda gaarka ah ee maamulka koofur Galbeed ayey ku guuleysteen in ay kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab ka sifeeyaan wadooyinka Galo Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

In ka badan 20 gaari oo Xamuul ah oo u raran ganacsatada Magaalaa Xudur ee Gobolka Bakool ayaa durbaba soo gaaray magaalada ayagoo si nabad ah kusoo maray wadooyinka soo galo magaalada oo ay horay ugu qabeen dhib aad u farabadan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab oo caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadada u geli jireen ganacsatada iyo bulshada kale ee  isticmaalo Wadooyinka ay ciidamada Dowladda Howlgaladda ka sameeyeen.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur ayaa si weyn usoo dhaweeyey howgalka ay ciidamada Dowladda Sameeyeen ayagoo muujiyey rajo wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...