In kabadan 100 maxaabiis ah oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Date:

Ku dhawaad 120 maxaabiis ah oo in muddo ah kujiray xabsiga dalka Itoobiya ayaa maanta laga soo dejiyaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Waxaa ku soo dhaweeyey  garoonak diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo sheegey in talaabo wanaagsan ay tahay siideynta maxaabiistaasi oo ay sii dyasay Dowladda Itoobiya.

Markii ay ka soo degeen garoonak diyaaraha magaalada Muqdisho, waxaa shir jaraa’id wada qabtay Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaalidiin Mustaf Cumar

kaasi oo sheeegey in siidaynta maxaabiistani ay qeyb ka tahay xoojinta xiriiraka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Danjire Kamaalidiin Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya ” maxaabiistani waxay ahaayeen qaar kood kuwo lagu xukumayy 20 sano oo xarig ah, siideynttodana waxay muujinaysaa wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dal”

Max’ed Cali Nuur oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa sina uga mahadceliayay Dowladda Itoobiya sida ay wanaagsan oo maxaabiistaasi ay u soo deysay, isagoo bogaadiyay xiriirka ka dhexeya labada dal.

Dhawaan ayaa dalka Itoobiya waxaa booqasho ku tagay ra”iisal wasaaraha Soomaaliyaxiligaasi oo Dowladda Itoobiya ay wefdiga ra”iisulwasaaraha ku wareejisay mas’uuliyadda maxaabiistaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi: “Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaa si habsami...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...