Wasaaradda waxbarashada oo dugsi ka furtay Cadale

Date:

Wasaaradda waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa degmada Cadale ee gobolka Shabeela dhexe waxaa ay ka hirgalisay dugsi hoose iyo dhexe kasoo ay wax ka baran doonaan carruurta Soomaaliyeed ee ku nool degmadaasi.

Iskuulka oo ka kooban dugsi hoose iyo dhexe isla markaana si lacag laโ€™aan ah wax loogu bari doono caruurta degaanka ayaa laga hirgaliyay magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo aan hore u laheyn goobo waxbaarsho tan iyo bur burkii dowladii dhexe,waxaana dhismaha dugsigan iska kaashaday Midowga Yurub iyo hayโ€™adda ADRA oo ka shaqeysa horumarinta waxbarashada oo gacan ka helaya wasaaraaradda waxbarashada dowladda federaalka ah.

Waxaana ย munaasabadda furitaanka dugsiga ay ka qeybgaleen masโ€™uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Waxbaarshada dowlad goboleedka Hirshabelle,gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Sh/dhexe maamulka degmada Cadale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalin oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dadka ku nool degmada ay si weyn uga faaโ€™iideysna doonaan iskuulka loo furay ย oo ah mid si lacag laโ€™aan ah wax looga baranayo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Abuukar Sheikh ayaa xusay in horumarinta iyo dhiirigelinta waxbaasrhada ay qeyb tahay waxyaabaha uu mudnanata siinayo maamulka Hirshabelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...