Wasaaradda Amniga oo Faahfaahin ka bixisay Qarax ay Fashiliyeen laamaha Amaanku

Date:

Wasaaradda  Amniga Xukumada Soomaaliya  ayaa  Faahfaahin  ka  bixisay Gaari  lasoo  buuxshay Waxyaabaha  Qarxa ay  Ciidamada Nabad sugida  iyo Sirdoonka  Qaranka Soomaaliyeed  ay ku qabteen Duleedka Magaalada Muqdishu kasoo ay  doonaayeen  inay Malayshiyaadka Argagixisada Al shabaab ku waxyeeleeyaan  Shacabka Soomaliyeed.

Afhayeenka Wasaadda Amniga Soomaaliya Ahmed Carab oo la hadlay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyada  ayaa sheegay inay Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed ku  guulaysteen in  Gacanta  ku  dhigo Gaarigaan oo  aan  wali  Qarxin Xili ay Malayshiyadu ay Qarsheynaayeen inay  dhibaateeyaan  Shacabka soomaliyed balse ay  ka  hortageen Ciidamada Amaanka  Soomaaliya.

Afhayeenka  ayaa  tilmaamay inay  Ciidamadu ku daba jiraan  sidi  Gacantaloogu soo dhigi lahaa dhagar qabihii  waday gaarigaan la doonayay in lagu qal-qal galiyo Amaanka Caasimada Soomaaliya ee  muqdishu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...