Galmudug oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalka Xeraale

Date:

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay aad iyo aad uga xuntahay dagaalada maantay kasoo
cusboonaaday magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud. Waqtigaan oo shacabka ku nool
deegaanada Galmudug ay la liitaan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba halakeeyey in loogu daro
dagaal sokeeye ma ahan mid loo baahan yahay, waana wax ummadda Soomaaliyeed ka gudubtay
loomana baahna in waqtigaan lasoo nooleeyo.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada isku haya Magaalada Xeraale inay joojiyaan
xabadda si shuruud la’aan ah, wixii dhexdoodaana ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, waa
laga baxay waqtigii qori wax lagu xalin jiray, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa dadka kale ee
kabaxsan deegaanka Xeraale oo hurinaya colaadda kana qeyb qaadanaya dagaalka in ay faraha
kala baxaan una daayaan xalinta khilaafka dadka u dhashay deegaanka. Xabbadi Xal Noqon
Weydey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamkaba inay nagala
qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka bilowday Xeraale, deegaanada Galmudug uma
baahna in dhiig Soomaaliyeed lagu daadsho si fudud oo ujeedo la’aan ah.

 

Dhammaad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...