Galmudug oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalka Xeraale

Date:

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay aad iyo aad uga xuntahay dagaalada maantay kasoo
cusboonaaday magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud. Waqtigaan oo shacabka ku nool
deegaanada Galmudug ay la liitaan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba halakeeyey in loogu daro
dagaal sokeeye ma ahan mid loo baahan yahay, waana wax ummadda Soomaaliyeed ka gudubtay
loomana baahna in waqtigaan lasoo nooleeyo.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada isku haya Magaalada Xeraale inay joojiyaan
xabadda si shuruud la’aan ah, wixii dhexdoodaana ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, waa
laga baxay waqtigii qori wax lagu xalin jiray, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa dadka kale ee
kabaxsan deegaanka Xeraale oo hurinaya colaadda kana qeyb qaadanaya dagaalka in ay faraha
kala baxaan una daayaan xalinta khilaafka dadka u dhashay deegaanka. Xabbadi Xal Noqon
Weydey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamkaba inay nagala
qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka bilowday Xeraale, deegaanada Galmudug uma
baahna in dhiig Soomaaliyeed lagu daadsho si fudud oo ujeedo la’aan ah.

 

Dhammaad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...