Kulankii 6-aad ee guddiga joogtada ee Golaha shacabka JFS ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ waxaana ajendaha kulanka uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka.
Waxaa kulankaasi ka soo qeybgalay guddoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey iyo xubnaha guddiyada joogtada ah.
kulanka intii uu socday ayaa guddoomiyaasha guddiyada Golaha Shacabka waxa ay ka warbixiyeen guddi walba kulamadiisi ugu dambeeyay iyo waxa u qabsoomay.
Xog-haye ku-xigeenka Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Ciyow ayaa kulanka kadib warbaahinta qaranka u faah faahiyaay waxyaabihii ka soo baxay.
“Kulanka ay isugu yimaadeen guddiyada joogatda ah ajabdihiisa wuxuu ahaa isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka,”waxaana la isku dhaafsaday aragti ku aadan sida loo wajihi karo dardargelinta howlaha horyaala guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka.
Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid yihiin sharciyo dhowr ah oo XFS ay u soo gudibisay golaha shacbka.