Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab

Date:

Ciidanka Kumaandoos ee dowladda Soomaaliya ayaa Burburiyay Saldhig Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya-barow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay  in ciidanka Kumaandooska ay xalay qaadeen weerar Qorshaysan kaasi oo lagu burburiyay Saldhigga Argagixisada.

“Saldhigaan wuxuu ahaa mid Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo dhibaatooyinka ay u gaystaan shacabka, waxaana hadda kuu sheegayaa in gabi ahaanba Saldhigaas la burburiyay.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa horay u burburiyay xarumo badan oo ay la haayeen Maleeshida Al-Shabaab oo hadafkooda ugu wayn uu yahay dhibaataynta shacaka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...