Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Shiinka Dheer

Date:

Qarax Gaari ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Gaari laga shakiyay isla markaan ay  qabteen ciidanka Ammaanka intii baaritaanka uu socdayna uu Qarxay Gaarigaasi.

Saddex Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Todobo Ruux oo kale sida ay sheegeen Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Ragii waday Gaariga Qarxay.

Xaquuqda sawirka Oronjo(SONNA)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada...