Madaxweyne Farmaajo “ Sheekh Shariif Cabdinuur wuxuu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Date:

Muqdisho, Luulyo 06, 2017:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...