Wasaaradda Awqaafta ee Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Sheekh Shariif Cabdinuur

Date:

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan Shariif Aadan oo saakay u geriyooday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda waxa ay tacsi u dirayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan Musliimta geerida ku timid Sheekha caalimka ah, oo casharo Diini ah ka bixin jiray dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo Masjidka Xaramka Barakeysan.

“Waxaan Alle uga baryaynaa Ehelka Sheekha iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in uu Alle samir iyo Imaan ka siiyo, Asagana Kheyrkii uu sameeyay ugu bedalo Janno iyo Abaalmarin wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta Dr Iimaan Cabdullaahi Cali.

Wasaaradda ayaa ka codsatay dhamaan Imaamyada Masaajidda dalka inay ku tukadaan Salaadda Jinaasanada xiliga Salaadda Jumcada kaddib beri oo Jimco ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...