Maleeshiyaad Shabaab ah oo duleedka Kismaayo lagu Xasuuqay (Daawo Muuqaal)

Date:

Ciidanka Jubbaland ayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku laayay deegaanka Lugloow oo dhinaca Waqooyi magaalada Kismaayo ka xiga qiyaastii 17-KM.

Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Maydadka Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaalka ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Hubkii ay siteen.

Sidoo kale Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dileen 12-ka mid ah Maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ciidamadu weerar qorsheeysan la beegsadeen maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo isku abaabulay howdka deegaanka Lugloow, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Jubbaland.

Madaxweynaha JFS ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada ay qaldeen Maleeshiyada Al-Shabaab in la cafinayo hadii ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira in ka badan 50-dhalinyaro ah oo ay dagaalada iyo dhibaataynta Shacabka u adeegsan jireen Al-Shabaab oo iyagoo ka faa’iidaysanaya Cafiska Madaxweynaha isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...