Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumarย Cusmaan โYariisowโย Agaasimahaย Maamulkaย ย iyoย Qorsheyntaย Wasaaraddaย Warfaafinta,ย Agaasimahaย Wakaaladda Wararka eeย SONNA iyoย Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda ayaa goobjoog ย ka ahaa kulanka ay heshiiska ku aadan iska kaashiga oo ay kala saxiixdeen Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha TV-ga Jubbaland.
Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay maadaama Telfeshinka Qaranka uu yahay midka ugu wayn TV-da Soomaalida inuu TV-ga Jubbaland ka caawin doono dhinaca Tababarada Shaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa Xirfada.
Yuusuf Xasan Cadaani oo ah Agaasimaha TV-ga Jubbaland ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid muhiim ah, isagoo u mahadceliyay wasiirka warfaafinta iyo guud ahaan maamulka wasaaradda.
Heshiiskaan ayaa sidoo kale dhigaya in labada TV ay isdhaafsadaan Barnaamiyada iyo fariimaha wacygalinta ah ee muhiimka ah.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta maamulka Puntland ย C/raxmaan Jaamac Warsame oo isna goobjoog ka ahaa heshiiska labada TV ay ku kala saxiixdeen Muqdisho ayaa sheegay inay Arrintaan u gogol xaarayso inay xiriir wanaagsan yeeshaan Warbaahinta Soomaalida oo dhan.
Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafintaย Dhaqanka iyo Dalxiiskaย ayaa kula dardaarmey Agaasimayaasha Telefishinada SNTV iyo Jubaland iney fuliyaan qodobada ay ku heshiyaan.







