Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya & Maser oo Addis Ababa ku kulmay

Date:

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Maser ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Addis Ababa, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo arrimo kale o muhiim ah.

Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Saamix Shukri wasiirka Arrimaha Dibedda Maser kulankooda waxa uu dhacay inta lagu guda jiray shirka wasiirrada Arrimaha Dibedda dowlaha Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, labada wasiir wada hadalkooda waxa ay xoogga ku saareen  sidii loo soo celin lahaa iskaashigii labada dal u dhaxeeyey ee dhinacyada Ganacsiga, horumarinta Kalluumeysiga, isdhexgalka ganacsatada labada dalka iyo sidii dowladda Maser  u xoojin lahayd arrimaha Waxbarashada oo ay Soomaaliya ka taageerto.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dowladda Maser uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay taageeridda waxbarashada iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in si dhaqsi ah loo howlgelin doono Ganacsigii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya loo Iib geyn jiray dalka Maser.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye...