Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa shirka Midowga Africa uga qeyb-galaya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo noqonaya safarkii labaad oo uu ku tago muddo bil gudahood.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Afrika, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.

Shirka Midowga Afrika ayaa sanadkiiba labo mar la qabto sida bilaha Janaayo iyo July, iyadoo sida caadada ah shir madaxeedka uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaad uu magaalo kale ka dhaco.

Hase ahaatee shirka July ee Midowga Afrika ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago dalkaas, sidoo kale waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....