Danjiraha Mareykanka oo sheegay in dowladda Soomaaliya isbedel weyn sameysay

Date:

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliyaย Stephen M. Schwartz ayaa warbixin uu ku soo aadiyay sanad guuradii 57 ee xoriyadda Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka soo kabaneyo burburkii soo maray isla markaana uu hadda hayo waddadii dib u dhiska.

โ€œTani iyo imaatankeyga Soomaliya sanad ka hor anigoo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaan goobjoog u ahay horumar balaaran oo Soomaaliya sameysay, hase ahaatee wali ay jirto khataro ku hor gudban horumarkaas waxaana kamid ah abaaraha ka jira dalka, dagaalka Al-shabaab dowladda kula jirto, dhaqaalaha dowladda uu yar iyo heyโ€™addaha cadaalada oo wali sidii la rabay u shaqeynin,โ€ ayuu yiri Mr.Schwartz.

Dowladda Mareykanka waxaa ay aaminsan tahay in dowladda madaxweyne Farmaajo, xukuumadda raโ€™isul wasaare Kheyre ay ku howlan yihiin sidii dalka ugu hirgelin lahaayeen nabad iyo xasilooni, dib u heshiisiin, iyo in shaqooyin loo abuuro dadka Soomaaliyeed.

โ€œAnaga iyo beesha caalamka waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira si nolashada dalka Soomaaliyeed kor loogu qaado. ย Wadajir u shaqeyntu waxaa ay ka hor tagtaa in macquul ka dhacdo dalka, sidoo kalena waxaan ka shaqeynaynaa dib u habeynta laamaha amniga ee dalka si ammaanka iyo kala dambeynta loo soo celiyo, ย waxaana taageersanahay ololaha xasilinta caasimadda ee Muqidshoโ€.

Danijire Schwartz ayaa sidoo kale warka ks oo baxay safaaradda Mareykanka ku sheegay in horumarkna lagu sameeyo muddo gaaban ย isla markaaana in nabad iyo xasilooni Soomaaliya laga hirgeliyo u baahan tahay in la sii joogteeyo si horumarkan wax ku ool u noqdo, waxaana loo baahan in dadka Soomaaliyeed iyo saxiibadooda caalamka ay ka wada shaqeyn doonaan.

โ€œHorumarkan ma hagal daacin karaan koox kamid ah muwaadiniinta ka faaโ€™ideya dambiiliyaasha ka baqaya ku dhaqanka sharciga iyo isla-xisaabtanka,โ€ ย ayuu markale yiri Schwartz.

Waxaan ugu baaqeynaa heyโ€™adaha dowladda sida fulinta iyo sharciga dejinta in ay dhinac iska dhigaan kala duwanaanshahooda siyaasadeed diiradana saaraan ka miro dhalinta waxyaabaha hor-tabinta u leh:

  • Jabinta argagaxisada iyo dib u dhiska heyโ€™adaha amniga ee dalka,
  • Dardargelinta dakhliga dalka, abuuridda ilo dhaqaale iyo dejinta sharuucda wadaaga kheyraadka dalka ,
  • Dib u eegista dastuurka iyo afti u qaadistiisa.
  • K shaqeynta doorasho qof iyo cod ah.
  • Xoojinta dib-u- heshiisiita oo ay ku jirto wadahadalka Soomaaliland.
  • Xoojinta dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
  • Iyo meel marinta hindise sharciyeedyada ay kamid yihiin xeerka isgaarsiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, waxbarashada iyo kuwo kale.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Schwartz ayaa sidoo kale warbixinta uu soo saaray ku sheegay in shaqoooyin badan ay horyaalaan Soomaaliya hase ahaatee la gaari karo, isagoona dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dul qaad la yimaadaan isla markaana dhibaato socotay muddo 30 sano ku dhow aan lagu xalin karin sanad iyo wax la mid ah.

Dadka Soomaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ahaadaan kuwo feejigan lana ย shaqeeya dowladooda isla markaana kula xisaabtamaan danahooda.

Ugu dambeyntiiย Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku faaneyso xiriirka xoogeysanaya oo ay la leeyihiin Soomaaliya ayna ka goโ€™an tahay in ay kala shaqeeyaan did u dhiska dalka, dimograadiyada, nabadda iyo sidoo Soomaaliya u noqon laheyd qaran barwaaqo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa...