Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu xusay dabaal-degga maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

Date:

Munaasabadda lagu xusayay 1-da Luulyo ee 57-guuradii ka soo wareegatay xornimadii Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada waqooyi iyo Koofur ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Aqalka dowladda Hoose.

Munaasabaddan oo aheyd tii labaad ee maalmaha xoriyadda oo uu si heer sare ah u soo agaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka duwaneyd munaasabadihii horay dalka looga qaban jiray.

Waxaa munaasabadan ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, xildhibaanada labada Gole iyo Safiiro.

Abaarihii 12-ka habeenimo, markii ay ku taagneyd ayaa la saaray Calanka Soomaaliya, waxaana mar kaliya is qabsaday dabaal degyo iyo bulleer cirka loo ridayay, kaasoo bixinayay midibyo kala duwan.

Madaxda dowladda ayaa khubad ku aadan xoriyaddii la helay 1960 ka jeediyay munaasabada, waxaana munaasabada ay ku soo gaba gabowday jawi nabdoon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed

Hay’adda(VOS) ee fadhigeedu uu yahay gobolka Minnesota ee dalka...

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee tebinta Doorashooyinka

Aqoon isweydaarsigani oo ay si wadajir ah u soo...

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...