Danjiraha Mareykanka oo sheegay in dowladda Soomaaliya isbedel weyn sameysay

Date:

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa warbixin uu ku soo aadiyay sanad guuradii 57 ee xoriyadda Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka soo kabaneyo burburkii soo maray isla markaana uu hadda hayo waddadii dib u dhiska.

“Tani iyo imaatankeyga Soomaliya sanad ka hor anigoo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaan goobjoog u ahay horumar balaaran oo Soomaaliya sameysay, hase ahaatee wali ay jirto khataro ku hor gudban horumarkaas waxaana kamid ah abaaraha ka jira dalka, dagaalka Al-shabaab dowladda kula jirto, dhaqaalaha dowladda uu yar iyo hey’addaha cadaalada oo wali sidii la rabay u shaqeynin,” ayuu yiri Mr.Schwartz.

Dowladda Mareykanka waxaa ay aaminsan tahay in dowladda madaxweyne Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ay ku howlan yihiin sidii dalka ugu hirgelin lahaayeen nabad iyo xasilooni, dib u heshiisiin, iyo in shaqooyin loo abuuro dadka Soomaaliyeed.

“Anaga iyo beesha caalamka waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira si nolashada dalka Soomaaliyeed kor loogu qaado.  Wadajir u shaqeyntu waxaa ay ka hor tagtaa in macquul ka dhacdo dalka, sidoo kalena waxaan ka shaqeynaynaa dib u habeynta laamaha amniga ee dalka si ammaanka iyo kala dambeynta loo soo celiyo,  waxaana taageersanahay ololaha xasilinta caasimadda ee Muqidsho”.

Danijire Schwartz ayaa sidoo kale warka ks oo baxay safaaradda Mareykanka ku sheegay in horumarkna lagu sameeyo muddo gaaban  isla markaaana in nabad iyo xasilooni Soomaaliya laga hirgeliyo u baahan tahay in la sii joogteeyo si horumarkan wax ku ool u noqdo, waxaana loo baahan in dadka Soomaaliyeed iyo saxiibadooda caalamka ay ka wada shaqeyn doonaan.

“Horumarkan ma hagal daacin karaan koox kamid ah muwaadiniinta ka faa’ideya dambiiliyaasha ka baqaya ku dhaqanka sharciga iyo isla-xisaabtanka,”  ayuu markale yiri Schwartz.

Waxaan ugu baaqeynaa hey’adaha dowladda sida fulinta iyo sharciga dejinta in ay dhinac iska dhigaan kala duwanaanshahooda siyaasadeed diiradana saaraan ka miro dhalinta waxyaabaha hor-tabinta u leh:

  • Jabinta argagaxisada iyo dib u dhiska hey’adaha amniga ee dalka,
  • Dardargelinta dakhliga dalka, abuuridda ilo dhaqaale iyo dejinta sharuucda wadaaga kheyraadka dalka ,
  • Dib u eegista dastuurka iyo afti u qaadistiisa.
  • K shaqeynta doorasho qof iyo cod ah.
  • Xoojinta dib-u- heshiisiita oo ay ku jirto wadahadalka Soomaaliland.
  • Xoojinta dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
  • Iyo meel marinta hindise sharciyeedyada ay kamid yihiin xeerka isgaarsiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, waxbarashada iyo kuwo kale.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Schwartz ayaa sidoo kale warbixinta uu soo saaray ku sheegay in shaqoooyin badan ay horyaalaan Soomaaliya hase ahaatee la gaari karo, isagoona dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dul qaad la yimaadaan isla markaana dhibaato socotay muddo 30 sano ku dhow aan lagu xalin karin sanad iyo wax la mid ah.

Dadka Soomaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ahaadaan kuwo feejigan lana  shaqeeya dowladooda isla markaana kula xisaabtamaan danahooda.

Ugu dambeyntii Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku faaneyso xiriirka xoogeysanaya oo ay la leeyihiin Soomaaliya ayna ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan did u dhiska dalka, dimograadiyada, nabadda iyo sidoo Soomaaliya u noqon laheyd qaran barwaaqo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...