Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida oo Dignin u jeedisay ilaalada baabuurta saaran

Date:

Maxkamadda Darada Koobaad ee ciidammada Qalabka sida ayaa Digniin u jeedisay Ilaalada saaran Baabuurta Waddooyinka caasimadda Mara kuwaas oo ay cabashooyin adag ka soo gudbiyeen Shacabka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Darajada Koobaad waxa uu marti ku ahaa barnaamijka kulan Toddobaad ee SNTV.

Xasan Cali Nuur (Shuute) G/sare Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamad Qalabka Sida ee Darajada Koobaad, waxa uu sheegay in eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenno ay dowladdu u qabato Qareenno sharci ah, si uu u helo caddaalad go’aanka maxkamadda ka hor.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa digniin culus u jeediyey ilaalada saaran gaadiidka dushiisa ee ay sida daran uga cabdaan dadweynaha waddooyinka caasimadda isticmaala, “Baabuurkii ilaaladiisa muwaadin wadada maraya u dhibaateeya Maxaad iiga horreysaa ama iiga dambeysaa dambi iyo ciqaab culus ayaa ka dhallaneysa waana uga digeynaa cid walba oo falkaasi ku kacda” ayuu yiri G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute)

Maxkamadaha Madaniga iyo kuwa ciidanka waxaa u dhaxeeya  Farqi ku aaddan dadajinta dacwadaha eedeysaneyaasha, sida uu qabo xeerka maxkamadda ciidaka Qalabka Sida, sida loo wajaho arrimahaas ayuu sharraxayaa guddoomiyaha maxkamadda.

Doodda ku aaddan go’aannada xukunnada dilka ah ee ay maxkamadda gaarto ayuu guddoomiyaha maxkamadda ku tilmaamay in si cad oo daah furan loogu soo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed habka  Caddaalad ku saleynta dacwadaha noocaasi ah.

Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ee Darajada Koobaad toddoobaadkaan waxa ay gaartay go’aanno ay ka mid ahaayeen xukunka raggii ka dambeeyey dilka Wadaad caan ahaa oo ka dhacay Masjidka ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay iyo  Dilka wasiirki Howlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabaasi Siraaji.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...