Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda.

Kulankan ballaaran waxaa looga gol’lahaa in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay la wadaagaan xogaha ay hayaan, fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha ay tabanayaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliayadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee uu dalku ku suganyahay, waxaana uu kula dardaarmay Jaaliyadda in ay ka qeyb qalaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka, isla markaana Jaaliyadda looga baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan dib u dhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...