Wasiir Xayir ayaa magaalada jowhar maanta dhagax dhigay dayactir lagu samaynayo 5km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar

Date:

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta dhagax dhigay dayactir balaaran oo lagu samaynayo 5 km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, waxaana munaasabada kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe, Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, Xariiriyaha Mashruuca horumarinta u qaabislan Wasaaradda Maaliyadda Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayntii Cali Xaaji ayaa sheegay in mashruucaan lagu hormarinayo kaabayaasha maamulada dalka oo uu bixinayo Bangiga Aduunku uu mudo ahba ka socday qayb ka mid ah dalka waxaan lagu guulaystay in la dayactiro dhismayaal badan oo ku yaala magaalooyin ka mid ah goboladda dalka, sida: Dhuusamareeb, Baladweyne, Guriceel iyo maanta oo la dhagax dhigay wadada xiriirsa Jowhar iyo Muqdisho.

Sidoo kale Wasiir Xayir ayaa sheegay in dayactirka wadadaan ay qayb ka tahay mashaariic badan oo dowladu ugu tala gashay in lagu horamariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Mashruucaan aan saaka dhagax dhigeyno waa mid ay fulinayso Wasaaradda Maaliyadda, Mashruucaan waxaa la yiraahdaa SFF-LD, Waa mashruuc loogu talagalay in lagu tayeeyo, korna loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha, dayactirka dhismayaasha Dowladda iyo Daboolida baahiyaha ka imanaya Bulshada. Mashruucaan waxaa loogu tala galay in laga hirgaliyo 13 Gobol oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya, qaarna waa lagu guulaystay in laga hirgaliyo kuwo kalena hadda la qorsheynayaa” ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in ka dowlad ahaan ay ka tabar yar yihiin in ay wadada dhan wada dayactirto, lakiin waxaa farxad ii ah in maata laga hadlayo waddo ama dhisme ayadoo shalay lagu mashquulsanaa Gaajo ama Abaar ama qaybinta mucaawinooyinka.

Ugu danbayntii Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa  dhankiisa u mahadceliyey waftiga ka socday dowladda federaalka ah, wuxuuna sheegay in gobolkaan yahay mid qaba baahiyo badan loona baahan yahay in wax laga qabto.

“Umadda Hir-Shabeelle Xaqiiqdii baahi weyn ayay u qabaan in wax laga qabto dhibaatooyinka Waddooyinka ee Gobolada Maamulkeena. Sida aad qirtay Mudane Wasiir Maamulkaan waa Hodan laakiin u baahan in la garab istaago marka Mudanayaal Maanta waxaa inoo Farxad ah inaan Dhagax dhigno wadadaan Muhiim ah ah inta dhimanna way iska imaandoontaa insha Allaah.”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...