Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida oo Dil ku xukuntay eedeysane loo heystay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud.

Date:

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labo eedeysane oo loo heystay dilka Wasiir Siraaji Cabaas , Xukunka labada eedeysane ayaa u kala dhacay Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo lagu xakumay dil toogasho ah halka Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ay maxkamadda xukuntay in lasii daayo.

Kiiska Dacwadaan ayaa soo socday tan iyo wixii ka danbeeyey Markii la dilay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji oo ay dileen ciidamo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee Qaranka oo isaga xilkiisa ku waayey dhacdadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...