Bisha Cas ee Imaaraadka oo afurin u sameysa boqolaal qoys oo danyar

Date:

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maalinkii 21 aad waxaa ay magalaada Muqdisho ka wadda afurin ay u sameeneyso  qoysaska danta yar iyo kuwa barakacayaasha ah, iyada oo maanta afur u qeybisay 400 oo qoys oo ku kala sugan afar degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Afurinta ay bixiso hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa ka faaii’deystay tan iyo markii ay bilaabatay bishaan barakaysan ee Ramadaan in kabadan 8400 oo qoys oo isugu jira barakacayaal, dadka dhibaateysan, iyo kuwa danta yar ee u baahan in laga caawiyo afurka inta lagu guda jiro bisha Soon.

Qoys waliba waxaa la siiyaa Raashiin bisil oo isugu jira Bariis, Baasto, Hilib,Cabitaan, Bur iyo Sambuus. Waxaana maalin walba laga fuliyaa afurinta dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Hay’adda bisha cas ee Imaraadka iyada oo la kaashaneysa maamulka degmooyinka gobalka Banaadir  waxa ay Rashinka Bisil galab walba u qeybisaa qoysaska aadka u danta yar, barkacayaasha, iyo dadka baahida gaarka ah qaba.

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegatay in hay’addu ay marwaliba kaalmo la garab-taagneyd dadka Soomaaliyeed kuwooda caawinta u baahan, haddana ay diyaar u tahay in ay sii waddo caawinaadda shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay afurinta ayaa uga mahadceliyay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta kaalmada ay marwalba la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...