Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddex iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar suโaal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.
Kaaraan
Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, waxa ay ka jawaabeen Saddex suโaal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.
Garbahaareey
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Saddex suโaal, iyagoo iska qalday afar suโaal, mana jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay (6) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka.
Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka 24aad ee tartanka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa jiri doono labo tartan, tartanka koowaad waxa uu dhemari doonaa tartamayaasha Degmooyinka Dhahar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxayna soo galayaan 9:30 daqiiqo.
Sidoo kale kulanka xiga waxaa tartami doona Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.